Gudoomiye Jawaari oo maanta oo isniin ah ku wajahan Baydhabo

0
34

jawMaxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Baarlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu maanta oo Isniin ah booqandoonaa magaalada Baydhabo caasimada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed.

Jawaari iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed uuna u horeeyo madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed iyo Malaaq Shuri Gudoomiyaha golaha Guurtida KoonfurGalbeed waxayna ka wada hadli doonaan mustaqbalka iyo masiirka shacabka KoonfurGalbeed.

Booqashada gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay imaanaysaa iyadoo todobaadkii hore loo diiday inuu magaalada Baydhabo uu tago Ra’isulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed kadib kolkii mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed ay sheegeen inuu Ra’isulwasaare Cabdiweli uu xagal daacinayo habsami u socodka maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya.