Dhegayso…Maxaa Hiiraale ku dhaliyey inuu Kismaayo Keeno Ciidamadiisa iyo Sababaha hubka looga dhigey

1
86
jhMaalinimadii shaley Magaalada Kismaayo waxaa lagu soo gabagabeeyey kulamo iyo wada xaajoodyo mudooyinkii ugu dambeeyey halkaasi ay ka wadeen wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Saraakiil ka socotey IGAD,iyadoo ujeedaduna ay ahayd sidii Col.Bare Hiiraale iyo Ciidamadiisa loo keeni lahaa Kismaayo,islamarkaana loogu sameyn lahaa dib u habeyn iyo dhaqan celin,taasoo la sheegay inay qeyb ka tahay howlaha dib u heshiisiinta laga wado Gobolada Jubbooyinka.
Ciidamadaasi oo sanadkii ugu dambeeyey ku sugnaa Deegaanka Goobweyn ayaa intooda badan waxay shaley soo gaareen Kismaayo,iyadoo Col.Bare Hiiraale oo ciidamadaasina madax u ahaa loo kaxeeyey dhinaca Magaalada Muqdisho.
 Haddaba si aan arimahaasi oo dhan faah faahin uga helno ayaa waxaan wareysi la yeelanay Maxamed Aden Boolis oo ah Afhayeenka Odoyaasha dhaqanka Gobolada Jubooyinka,isagoo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa su,asha ugu horeysa ee aan weydiiyey waxay ahayd bal inuu warbixin kooban uu naga siiyo sida uu ku yimid Heshiiska lala galey Col.Bare Hiiraale,waxaana uu yiri?

1 COMMENT

Comments are closed.