Dhegayso..Wafdi ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo ku sugan Baydhabo iyo Sh.Aden Madoobe oo ku dhaliiley Madaxda dalka inay dan ka lahayn rabitaanka shacabka K/G

3
45
bukWasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Qaranka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxana halkaasi ku so dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Baay, kan degmada Beydhabo iyo xubno ka tirsan bulshada magaaladaasi ku dhaqan.
Ibraahim Isaaq Yaroow Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Qaranka ayaa sheegay in uu kulamo wadatashi ah la yeelan doono maamulka iyo bulshada, isagoo intaa raaciyay inuu kala hadli doono arrimo ku saabsan dhismaha maamul gobolkeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Baay, Cabdi Aadan Hoosoow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada wafdiga, ayna saxaafadda la socod siindoonaan, natiijada wada hadallo ay la yeelandoonaan wafdiga uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka.
Dhinaca kale Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sh.Aden Madoobe ayaa ku dhaliiley madaxda sare ee Soomaaliya.inaysan dan ka lahayn rabitaanka shacabka ku dhaqan Baydhabo oo ku qanacsan maamulka Lixda Gobol ee uu madaxda ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

3 COMMENTS

  1. Intuusan wax Dhaliilin Aadan Qalbi-Madoowe marka hore isaga muu Dhaliilo,isaga & xirtiisa soo ma eheen kuwii Maamulkii Kgalbeed ee 6da Gobol ka koobnaa,ee Marxuum Gen.Shaati-guduud,hogaaminaayay,kuwii Madaafiicda ku bur-buriyay,ilaa&maantadan aan Ummada weydiisanin cafis,rabo in uu ku calool-jilicsado maamulkii aan shalay,Maatida Madaafiicda ugu laayay Dumintiisa ayaan Maantana rabaa in aan ku laayo Maamul baan dhisayaa,Qalbi-Madoowe Kutubadii aad xoortay,dib ugu noqo Dhulkii aad ku xoortay ka qaad,hadaad Aduun&Aakhiro aad rabtid.!

  2. Marka ugu horeeyso, Aadan Madoowe Adiga Is Dhaliil,is Xisaabi-Naftaada inta aan lagu xisaabinin,JAAHIL-MURAKAB.!

  3. Kkkkkkkkk, Maashaa Allah, wallaahi Ilaahey Waa Muqalibul Quluub!!!! Aw Dr. Abdi Baab, maajire, yakhay, tan Siyaasi leewa? Qofkina qaldimu kore, tan kale meeluun Qof kasta yaa hagalaayaan oo akhriyaayaan, muku roonaa walaaga qaarshoo in liki soo qoro web dheedaan?

Comments are closed.