Dhegayso..Guddiga Olombikada Koonfur.galbeed oo doortey Guddoomiye Cusub(Wareysi)

0
27

shariifMunaasanaday guddoomiye cusub ku dooranayeen guddiga Olombikada Koonnfur-galbeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Doorashada ayaa waxaa ka qaybgalay ergooyin ka tirsan guddiyada ciyaaraha ee goballada Shabeelada Hoose, Gedo, Jubbada dhexe, Jubbada Hoose, Bay iyo Bakool, waxaana guddoomiyaha Olombikada loo doortay, Aadan Cabdi Maxamed (Qardhaas).

Hab gacan-taag ah ayay doorashadu ku dhacday, iyadoo doorashadan guddoominayay guddoomiyaha ciyaaraha ee gobolka Bay, C/qaadir Shariif Xirow.

Hadaba C/qaadir Shariif oo Wareysi siiyey Warbaahinta Wadajir Doorashada ka dib ayaa waxuu sheegay Xafladda doorashada  in ay joogeen ciyaartooydii hore ee Qaranka Soomaaliya iyo cayaartooy ka kala socatey gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Halkan ka dhegayso waraysigaGuddiga Olombikada Koonfur.galbeed oo Maanta doortey Guddoomiye Cusub