Madaxweynaha Dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geele Oo La Hadley Somaliyada iyo Jabutiyaanka ku Nool Manisto

1
40

jabutiXaflad lagu soo dhaweynayay madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaana ka soo qeyb galay kumanaan ka mid ah labada jaaliyadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Gelle ayaa si qiiro leh ula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka wuxuuna kula dardaarmay inay muujiyaan wada jir iyo midnimo.

“Qurbo-joogta waa la xantaa, hase ahaatee maadaama ay maanta Soomaaliya ugu nasiib wanaagsan tahay waxaa la idinka rabaa inaad midnimo yeelataan, waayo qaran iyo qabiil meel ma wada galaan” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle.

Wuxuu sheegay mudane Cismaaciil Cumar Gelle in dowladda iyo dadka Jabuuti aysan marnaba joojin doonin taageera ay la garab istaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed. “Na weydiista wixii aad u baahan tihiin” ayuu si qiiro leh u yiri madaxweynuhu.

Mar uu la hadlayay Jaaliyadda Jabuuti ayuu yiri Madaxweyne Geelle “Taageeradii dadka Soomaaliyeed ay na siiyeen lama hilmaami karo, sidaa daraadeed la garab gala dadaalka ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed”

 

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Madaxweyne waadkumahadsantahayqiiradakugujirto eesoomalinimada.x asan.iyocabdiwali.qabiil.ayaa.lafahakagaley.laakinhilaahayaa.ujeedo

Comments are closed.