Madaxweyne Madoobe Nuunow: “Baydhabo waa Goobta Wadatashiga iyo Walaaleenta Ummadda Koonfurgalbeed”

3
102

madoobeMadaxweynaha Dowlad Goboleedka ee Koonfuurgalbeed Mudane Madoobe Nuunow ayaa Shalay ka qaybgalay Munaasabad Lagu dooranayay Madaxweyne ku Xigeenka Labaad ee Dowlada Konfurgalbeed. Doorashadan waxaa ku guulaystay Mudane Jeylaani Abuukar Jimcaale oo ka soo jeeda Gobolka Shabelaha Hoose gaar ahaan Deegaanka Marko Beesha Biyo-Maal. Mudane Nuunow ayaa sheegay in Maalmo dhow ay Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad Mudane Maxamuud Sayid oo soo gaari doono Xaruunta Dowlada Koonfurgalbeedka. Hadalada Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa asigooo si dadban u weerayay Qaska Mogdisho laga soo abaabulay: ” Baydhabo waa Goobta Cadaalada, Garsoorka, Wadatashiga, Dib u Heshiisiinta, Nabadeenta iyo Walaaleenta Ummada”.

Runtu waa lama Huraan. Ummada walba oo isku tashata, Odoyaasheeda iyo Dhaqankeeda qadariso ugana danbayso Aayaha Ummadoodu  Guul bay gaaraysaa. Koonfurgalbeedna wadasaas toosan ayay ku socotaa. Qof u ordaya in Ummadiisa ka dhigo kuwa kala daadsan, wax samaysan karin, Aayo ka talintooda u gacangaliyo Qowlaysatada Villa Soomaaliya joogaan, Wado galdan ayuu Dadkiisa u horseedayaa. Kooxdii laga soo diray Mogdisho waa kuwaas oo Baydhabo, Deegaankooda iyo Dadkoodu ka takoorsan yihiiin martina u yihiin Ciidamada Amison qaybta Itoobiya. Kuwa ka tirsan Kooxdan Shalay si Sharaf leh ayay Dadkoodu ugu dhexnoolaayeen, balse Maanta gabasho ayay ku jiraan. Qof Shesheeye Hiil iyo Hoo ka raadiyay, Qadiyadda Ummadiisa Shilin ku bedeshay miyuu xitaa Gurigiisa iyo Caruurtiisa lagu amini karaa, iskaba daayee 3 Gobol???????????????

3 COMMENTS

  1. waa salamantihiin dhamantiina waeriyaasha rer kgs salaan kadib walahi laguma aamini karo sedax gabal waayo ninkii shaley ku dhaarti in uu daacad u yahay kg hadana kabaxi balantii waa sheydaan allah naga qabto aamin aamin in sha allah waana laga guuleysan doona illahey edenkiis aan samarno

  2. Aniga oo ku hadlaayo magaca beesha madaxweyne madoowe nuunow waxaanku weydiinayaa 6maahan ayaad qur.aan ee hadii hada aan qaadano 3gobol 2kadib lix aan raadino kwrn ileen hawargidir aan iska saarno awal axmed madoowe waxaa kadaran hawaarineeeey marka mooqifkaada bedel.mudane adiga oo eegaayo una diirnaxaayo dhibka lagu haayo reer shabeelaha hoose

  3. waxan idin leeyahay ilaaheey maamuul cadaalada heeydin siiyo iyo kala danbeen lugu daydo anaga dad gobala kale ka imaada naqasa iyo xasan qoslaaye oo meel wax usocdaan aqoonine

Comments are closed.