Reysulwasaraha Dalka Itoobiya oo sheegey in ciidamada ka joogta Dalka Somaliya ey ka mid noqon doonaan Amisom

0
32

itoRa’iisul wasaaraha daka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in ciidamada dowladiisa ay ku biiri doonaan ciidamada Kenya iyo Uganda ee kamid ah howlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Alshabaab.

Isagoo ka hadlayay kulan uu la qaaday ku xigeenka madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayuu ku sheegay in madaxda amaanka Ethiopia ay arintaasi kala hadleen dhigooda taasi oo ku aadan ku biiritaanka howlgalka.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay inay jiraan hanjabaado cusub oo dhanka amaanka ah ee dalka Ethiopia taasi oo horseeday ku biiritaanka howlgalka ka dhanka ah hanjabaadaha, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya Ruto ayaa dhankiisa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka dowlada Ethiopia eek u biiritaanka ciidamada AMISOM si loola dagaalamo Alshabaab.

 

Daafeet.Com