Golaha Wasiirada oo maanta kulan ka yeeshey Xaalada gobolka Banadir iyo Shabelaha Dhexe

0
34

dhamaad-golaha_wasiirada_3Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah, waxaana shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kheyraadka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

waxaana kulankan warbixin ku saabsan xaalad amniga ee gobolka Banaadir iyo mashaariicda horumareed ee uu gobolka ku howlan yahay ka hadley guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magalada Muqdisho.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xaaladda nololeed ee qoysaskii ku barakacay fataahadii dhowaan uu sameeyey wabiga Shabelle nawaaxiga magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay dhul beereed baaxad leh, isla markaana jaray isu socodkii wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo gobolka Sh/dhexe. Waxayna goluhu ugu yabooheen gargaar dhaqaale.

Golaha Wasiirada ayaa taageeray qorsheyaasha gobolka ee horumarinta iyo sugida amniga gobolka, waxaana lagu ammaanay kaalinta bilic soo celinta iyo iftiiminta magaalada. Waxayna ugu baaqeen golaha Wasiiradu inay sii dardargeliyaan wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir uu la leeyahay hay’addaha amniga.

 
Daafeet.Com