Hogaamiyaha Alshabab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr oo sheegey in la rabo in la kala qeybiyo Alshabab

0
34

shababAmiirka Al Shabaab Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa fariin maqal waxa uu qeyb kaga mid ah kaga hadlay kala dhantaalka mas’uuliyiinta iyo dagaalyahanada al Shabaab.

Abuu Zubeyr ayaa sheegay in cadowga Al Shabaab ay isku dayayaan inay kala qeybiyaan iyaga oo adeegsanaya wadahadalo, sidoo kalana balana qaadyo u sameynaya qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta sida jago, cafin,  iyo arrimo kale oo ay ka mid tahay in liiska argagixisada laga tiro.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in wadahadaladaasi loo adeegsanayo inay garwadeen ka noqdaan dowladda Qadar, Turkiga iyo xubno ka mid ah Maxkamadihii Islaamka taasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga digtoonaado.

Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa sidoo kale fariintiisa waxa uu ku sheegay in faa’idada ay leedahay sirta Al Shabaab oo la xafido.

 

Daafeet.Com