Alshabab oo sii deysey Laba sarkaal oo Kenyan oo ey heysteen

0
40

alshababLabo sarkaal oo ay afduubeen ciidamada Alshabaab intii lagu gudo jiray weerar ka dhacay waqooyi bari dalka Kenya sanadkii lasoo dhaafay ayaa lasii daayay, sidaasina waxaa ku dhawaaqay madaxtooyada dowlada Kenya.

Labada waxay kala ahaayeen Edward Yesse Mule, wuxuu ahaa sarkaal degmo iyo Fredrick Irungu Wainaina, oo qeyn diiwaan gelinta u qaabilsan deegaanka Wajir, ayaa la sheegay in iminka ay dib ugu biireen qoysaskooda xaaladoodana ay tahay mid wanaagsan, sida warka lagu sheegay.

Marka laga soo tago sheegida sii deyntooda ma jirto faahfaahin laga bixiyay waqtiga iyo halkalaga sii daayay labadan muwaadin ee Kenyan-ka ah.

Saraakiishaan ayaa la afduubay in lagu jiray weerar ka dhan ah ciidamada booliska ee deegaanka Gerile oo ka tirsan Wajeer, oo ku yaala dhanka xuduuda Somalia.

 

Daafeet.Com