Sanado ka dib Dekeda magalada Muqdisho oo laga bilaabey in laga dhoofiyo Xooolaha Nool

0
36

Dhoofinta XoolahaDekedda weyn ee Muqdisho ayaa laga dhoofiyay markii ugu horreysay xalay xoolo nool oo ganacsi ah, kaddib sannado badan, iyadoo munaasabadda furitaanka ay ka qaybgaleen xubno ka socday dowladda Soomaaliya.

Maareeyaha dekedda Muqdisho, C/llaahi Cali Nuur oo munaasabaddii lagu furayay dhoofka xoolaha nool ka hadlay ayaa sheegya inay tani muujinayso horumarka dhinaca ganacsiga ah ee uu dalku ku tallaabsanayo, isagoo xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay u furan tahay inay dekedda ka dhoofiyaan xoolaha nool.

Wasiir ku xigeenka ganacsiga Soomaaliya, Cabdirisaaq Sheekh Ismaaciil oo furay dhoofinta xoolaha dekedda Muqdisho ayaa sheegay in tani ay tusaale cad u tahay xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo sheegay jiraan maraakiib kale oo diyaar u ah inay qaadaan xoolaha nool ee ganacsiga ah.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in dhoofinta xoolahan ay kobcinayaan dhaqaalaha dalka, isagoo intaas ku daray in xoolihii xalay dhoofay ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Dhanka kale, mid ka mid ah ganacsatadii xalay dhoofsanayay xoolaha nool ayaa sheegay in shirkadooda oo lagu magacaabo Al-Cimraan ay noqotay tii ugu horreysay oo dekedda Muqdisho ka dhoofisa xoolo nool muddo dheer kaddib, waana mid aan ku faraxsannahay.

Daafeet.Com