Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom OO saaka la wareegey Degmada Buurhakaba

0
34

burhakabaCiidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa 7:00 aroonimo saakay oo Arbaco ah si nabad ah kula wareegay degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, kaddib markii ciidamadu labaadii maalmood ee lasoo dhafay ku dhawaanayeen degmadaas.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Buurhabaka iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa isaguna sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, isagoo la wareegisteeda ku tilmaamay.

“Waxaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeynayaa guusha ay ka gaareen degmada Buurhakaba, guushanna waa mid u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo dhan,” ayuu yiri C/kariin Fiqi.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin la wareegista ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen degmada Buurhakaba.

Daafeet.Com