Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Maamul Goboleedka Puntland oo Dil ku xukumey 12 Ruux

0
34

Alshabab_(1)Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun ku ridey dad ku eedeysnaa in ay ka danbeeyeen dilkii Sheekh/Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliya.

Eedeysaneyaasha oo ay tiradoodu tahay 12- qof, islamarkaana ay 6 kamid ahi maxkamadda joogeen, waxaa dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo xukunkoodana uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland – laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- Cabdifataax Xaaji Aadan.

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa ugu danbeyntii sheegay in eedeysaneyaasha xukunka lagu ridey ay haystaan muddo 30-maalmood ah, si ay racfaan uga qaataan xukunka ku dhacay. Dadka la xukumay oo uu ku jiro hogaamiyaha xarakada Al-shabaab ayaa kala ahaa sidan:

1- Axmed Cabdi Godane – Hoggaamiyaha Al-shabaab

2- Axmed Maxamed Cali (Mustaf)

3- Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra)

4- Maxamed Abshir Cartan

5- Cabdiraxmaan Maxamed Cali

6- Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)

7- Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf \

8- Xasan Jaamac Xasan (Surato)

9- Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid)

10-Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan)

11-Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle)

12-Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub)

Xukunkan ayaa imaanaya 14-bilood kaddib, markii magaalada Boosaaso lagu diley Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka.

Waa markii ugu horeysey sanadkan ee maxkamadda ciidamad qalabka sida ee Puntland – laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- ay xukunto dad lala xiriirinayo ururka Al-shabaab.

Daafeet.Com