Muwaadin qabtay waxa ay qaban waayeen 61 Xil-Madhibaan kasoo jeeda Digil iyo Mirifle.

0
49

sntvTani waa talaabo ku dayasho mudan misna muujinayso in qofka muwaadinka ahi uu wax qaban karo kaligii hadii uu leeyahay hadaf muuqda oo uu ummaddiisa uu wax ugu qabanaayo aaminana inuu wax qaban karo.

Guud ahaan badbaadada ummadda waa xil saaran qofkasta ee ku abtirsada ummadda hadii ay ummaddu sidaa u fahamtana waxaa horumar laga gaari karaa howlo badan oo ay ummaddu ka sugayso Xil-Madhibaano loo idmaday hogaanka Ummadda misna ku guul daraystay inay wax ka qabtaan baahida hogaaneed ee ay ummaddu u idmatay.

Muwaadin Ilyaas Qalinle waxa uu fursad qaali ah u helay isla markaana codkiisa ugu faa’iideeyay ummaddiisa in Madaxweyne Xasan Shiikh uu xasuusiyo qodob Dastuuri ah oo xitaa Gudoomiyaha Baarlamaanka JF Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Lixdan iyo Kow Xubnood oo Baarlamaanka ugu jira Qawmiyada Digil iyo Mirifle ku guul daraysteen inay miiska soo saaraan.

Halkan ka daawo Su’aasha iyo jawaabta uu ka bixiyey Madaxweynaha

Bal ila fiiri dhacdadan taariikhiga ee Muwaadin Ilyaas uga faa’iideeyay ummaddiisa iyo sida uu Madaxweyne Xasan Shiikh uga dhabeeyay Balan qaadkiisa ayadoo aan bishii dhamaana TV Ummadda Soomaaliyeed ee SNTV lagu soo biiriyay warka oo Af-Maay inkasta oo uu bilow yahay hadana waa talaabo horay loo qaaday oo weliba la doonayo inay ku daydaan kooxda ceebsada ku hadalka Af-Maayga ee iska gada kuwa cadowga ku ah jiritaanka ummadda.

Halkan ka daawo warka Maayga

Waa guul aad u muuqata dhiira gelin iyo ku dayashana mudan jab iyo jahwareerna waxay ku tahay cadawga ummadda iyo kooxdan magacooda ku matala masraxa siyaasada Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Xil-Madhibaanada Baarlamaanka oo xitaa ku guul daraystay inay afkooda ku hadlaan gudaha doodaha Baarlamaanka taa bedelkeedana ay doorbideen inay ku hadlaan Af meel uu raacsan yahay aan la aqoon Maay iyo Maxaa kaasi oo in badan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka beelaha kale ay ku maadaystaan kuna madadaashadaan taasi oo ugu danbayn dhaxal siisa in Xil-Madhibaanka Maayga ah uu isagoo iska aamusan uu meesha yuuraro gabana howshii loo idmaday.

Waxaana leenahay Xil-Madhibaanayaaloow ama Xilkii aad qaadeen ku shaqeeya ama dhiga xilka.

Abdiaziz ShSalah
Daafeet.com Atlanta