Burcad badeed Somali ah oo lagu Maxkamadeyn doono dalka Seychelles

0
48

pirateCiidamada Badda ee ka socda dalka Netharland ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa xukuumada Seychelles,waxay ku wareejisay sagaal ruux oo burcad badeeda Soomaali ah,kuwaasi oo la sheegay in dalkaasi lagu Maxkamadeynayo.

Kooxahan burcad badeeda Soomaalida ee sagaalka ruux gaaraya ayaa 19-kii bishan laga qabtay meel 120-mile u jirta xeebaha Soomaaliya,waxaana gacanta ku dhigay ciidamada ka socda dowlada Netharland ee xeebaha Soomaaliya u jooga la dagaalanka waxa loogu yeero Burcad badeeda Soomaalida.

Xilligaasi waxii ka danbeeyay waxa lagu hayay tuhmunayaasha markab dushiisa,iyadoona loo gacan galiyay xukuumada Seychelles si halkaasi Maxkamad loogu soo taago.

Dowladaha Spain iyo Dutchka ayaa ka codsaday xukuumada Seychelles in wadankeeda ku maxkamadeyso sagaalkaan ruux ee lagu eedeeynayo burcad badeednimo,kuwaasi oo gacanta lagu dhigay xilli ay ka qowleysanayeen xeebaha Soomaaliya islamarkaana doonayay inay afduubtaan Markab.

Si kastaba arintu ha ahaatee arimahan ku saabsan burcad badeeda ayaa ah mid soo noqnoqoneysa qaar badan oo ayaga ka tirsana lagu maxkamadeeyey dunida daafaheeda, Balse dowladaha aduunka weli kama aaney hadlin wadamada sida sharci darada uga kaluumeysta xebaha somaliya iyo kuwa ku daadiya Sunta taasoo ey u egtahay iney iska indha tirayaan.

Daafeet.Com