Herman Van Rompuy oo sheegey in midowga Yurub caawini doonan Dalka Somaliya

0
95

Belgium's Prime Minister Herman Van Rompuy speaks at a news conference after being elected EU President during a EU leaders summit in BrusselsMidowga Yurub ayaa sheegay inay ku dadaalayaan taageerada ay siinayaan dowlada cusub ee Soomaaliya si ay kaga gudubto marxalada kala duwan ee heysata dowlada Soomaaliya,si loo gaaro mustaqbal wanaagsan.

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy,ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Soomaaliya booqashadii magaalada Brussels ay aheyd mid taariiqi ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in dalka Soomaaliya muddo ku dhow 22 sano ay ka jiraan dagaalo sokeeyo ,dowlada cusubna ay u baahan tahay gargaar si dib u dhis loogu sameeyo dalka.

Herman Van Rompuy,ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka Midowga Yurub ay caawiyeen nolosha malaayiin Soomaali ah ,kuwaasi oo ay heysatay xaalado kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Laakiin Mr Rompuy ayaa sheegay in isku dhawaanshaha Soomaaliya ay iminka u baahan tahay is la isugu tago qarinimada dalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in xiliga 2008 ilaa 2013 Midowga Yurub ay ku bixiyeen dalka Soomaaliya 517 milyan oo Yuuro si wax loogu qabto doorka sharciga,waxbarashada iyo waxqabadka dhaqaalaha.

Daafeet.Com