Gudomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose oo sheegey in shacabka gobolkasi eysan u baahneyn gargaar raashin

0
27

siidiGuddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka Gobalka Shabeelaha hoose aysan u baahneyn raashin gargaar ah in loo geeyo.

Wuxuu sheegay in shacabka Gobalkaasi ay yihiin dad wax beerta oo dalaga dhulkooda abuur ku sameesta ayna ka maarmaan sida uu sheegay caawimaad gargaar raashin ah oo hay’ado ay ugeeyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay kaliya in dhanka caafimaadka iyo qalabka dalaga wax soo saarka loo adeegsado in laga taageero shacabkaasi.

Si kastaba arintu ha ahaatee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa wuxuu yahay Gobal wax soo saar leh shacabka Gobalkaasina ay tacbadaan beeraha oo ay sameeyaan wax soo saar faa’iido leh.

Daafeet.Com