Mudo 21 sano ka dib Dowlada Mareykan oo aqoonsatey dowlada somaliya

0
24

Somali_USAMaraykanka ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah u aqoonsado dowladda federaalka Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 20 sano ah, waxaa sidaas sheegay sarkaal Maraykan ah.

Tallaabadan ayaa la sheegayaa inay waddada u xaari karto gargaar dhaqaale oo Maraykanka iyo bulshada caalamka ay siiyaan dowladda cusub.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Hillary Clinton waxay aqoonsiga dowladda Soomaaliya kaga dhawaaqi doonto kulan ay maanta Washington kula qaadan doonto madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Marka Xog-hayaha arrimaha dibadda ay la kulanto Xasan Sheekh Maxamuud, qoraallo dibloomaasiyadeed oo lagu aqoonsanayo dowladda cusub ayay is-waydaarsan doonaan markii ugu horreysay muddo 20 sano ah,” Kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Johnnie Carson ayaa warbaahinta u sheegay.

Carson wuxuu intaas raaciyay in dowladda cusub ay horumarro ka sameyneyso xasilinta siyaasadda iyo ‘wiiqidda awoodda’ kooxda al-Shabaab.

Daafeet.Com