Dagaal qasaare geystey oo xaley ka dhacay magalada Gaarisa

0
28

kenya_map_garissa_0_0Warar ka imaanaya magaalada Gaarisa ee gobollka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in weerar sababay dhimasho iyo dhaawac uu xalay ku dhaxmaray magaalada kooxo hubeysan iyo ciidamada nabad-galyada dalka Kenya.

Dagaallka ayaa dhacay kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xalay mid ka mid ah Hoteelada ku yaala magaalada Gaarisa, kaasoo sida la sheegay xiligaa ay ku jireen saraakiil booliis ah.

Inta la og-yahay ilaa saddex ruux oo uu ku jiray mid ka mid ah saraakiisha Xabsiyada ee Ciidamada Asluubta ayaa ku dhintay, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxaha hubeysan ee geystay weerarka ayaa baxsaday, iyadoo xalay ilaa saaka ay magaalada howlgalo ka wadeen ciidamada amaanka.

Weerarkii xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ayaa ku soo beegmaya, iyadoo lagu wado in magaaladaas uu booqdo musharaxa xilka Madaxweynaha Kenya u taagan Uhur Kenyatta.

Daafeet.Com