Ciidamada Dowlada oo maanta howlgalo ka bilaabey degmada Dharkanleey

0
27

baritanCiidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay saakay howgallo ballaaran ay kawadaan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, waxaana howlgalladan ay ka mid yihiin kuwo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameynayeen degmooyinka Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan degamda Dharkeynley ayaa sheegay in ciidammo badan lasoo dhoofay xaafadaha degmadaas, ayna ciidamadu baaritaanno saf-ballaaran kuwadaan degmadaas.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa iyaguna dhankooda ka hadlay howlgalka waxayna ku sheegeen inuu qayb ka yahay howlgallo lagu sugayo ammaanka Muqdisho, laguna raadinayo kooxaha Al-shabaab ka tirsan.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayay ciidamada dowladdu howgallo noocan oo kale ah ka sameeyeen degmooyinka Wadajir iyo Yaaqshiid, iyadoo howgalladaas lagu qabqabtay in ka badan 2500 oo qof, kuwaasoo boqolaal ka mid ah loo dhaadhiciyay xabsiga markii si aad ah looga shakiyay.

Daafeet.Com