Dagaal xaley ka dhacay duleedka magalada Kismaanyo

0
34

dagalDuleedka magaalada Kismaayo ayaa xaley waxaa ku dagalamey ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya iyo xoogag katirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii cutubyo katirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar madaafiic ah kusoo qaadeen xarunta Jaamacadda Kismaayo oo saldhig u ah ciidamada huwanta ah, waxaana labada dhinac dhexmartay israsaaseyn xooggan.

Ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay iska-horimaadkaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhiancyadii ay dirirtu u dhexeysay oo faahfaahin ka bixiyay.

Daafeet.Com