Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo maanta xukuntey eedeysanayaal

0
24

courtMaxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xukunno ku riday dad ku eedeysnaa danbiyo kala duwan oo isugu jira dhac iyo kufsi.

Dadkan eedeysaneyaasha oo ay tiradoodu gaareeyso ilaa todobo qof, oo afar kamid ah ay ahaayeen ciidamada dowladda ayaa ku eedeeysnaa danbiyo isugu jira dhac iyo kufsi, waxaana eedeysaneyaasha kamid ahayd haweeney.

Goobta uu xukunka ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana eedeysanayaasha ay maxkamaddu ku riday min 10 sano oo xarig ah.

Daafeet.Com