Howlgalao lagu sugayo amaanka oo maanta ka socda Degmada Wadajir

0
28

 

raskamboniCiidamada nabad-sugidda iyo kuwa booliska ayaa howlgal ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa saaka howlgal dad lagu qabqabanayo ka wada degmada Wadajir. Ilaa hadda lama oga tirada dadka lagu xiray howlgalka.

477 qof ayaa habeenkii Axadda lagu xiray howlgal ay ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa nabad-sugidda ka fuliyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir, Jeneraal Axmed Xasan Maalin oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, dadka lagu soo qabtay howlgalkana la tuhunsanaa inay falal ammaandarro ku lug lahaayeen.

Jeneraal Maalin waxa uu sheegay in baaritaan kaddib la ogaaday in 137 ka tirsan dadkii la xiray ay ka tirsanaayeen Kooxda Al-Shabaab, halka 340 dambi lagu waayayna la sii daynayo.

Daafeet.Com