1714 ruux oo maanta Wadajir lagu qabqabtay.

0
23

erw1Ciidamada Booliska,Nabad sugidda iyo Ciidamada illalad gaarka ah ee Madaxtooyada ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgal ka sameeyeen xaafado ka tirsan dagmada Wadajir ee gobalka Banaadir.

Howlgalkan oo bilawday saqdii dhexe ee xalay ayaa waxay ciiidamadan ay guri guri u baareen xaafadda Buula Xuubeey, Nasteexo iyo xaafado kale oo isla dagmada Wadajir ka mid ah.

Howlgalkan kadib waxaa warbaahinta la hadlay Taliyaha booliska gobalka Banaadir Axmad Xasan Maalin ayaa u sheegay in dadka la soo qabqabtay la kala saarayo isla markana aysan suurta gal aheyn in magaalada dhexdeeda ay isaga dhex dhuuntaan shaqsiyaad amaanka qatar ku ah Qasabna ay tahay in howlgalka la joogteeyo.

Sidoo kale Taliyaha nabad sugidda gobalka Banaadir Khaliif Axmed Erag sheegay in howgalkooda uu qaatay muddo sideed sacadood ah laguna soo qabqabtay 1714 qor hase ahaateen la reebay 114 kuwaas oo lagu hayo tuhuno cadeyn kara in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Si kastoo loo dhigaba qabqabashadan ay fuliyeen ciidamadan kala gedisan ee dowlada Soomaaliyeed ayaa waxay u muuqdaan kuwo ay dowladu ku muujinayso awoodeeda isla markaana ku xaqiijinayso amniga magaalada Muqdisho oo mudooyinkii ugu danbeeyay faraha kasii baxayay.

 

 

 

Daafeet.Com