Dad si khaldan loogu laayay deegaanka Leego ee degmada Wanlaweyn.

0
72

leego masawirWaraka ka imaanaya deegaanka Leego oo hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM halkaasi ka jooga ay dad reer guuraa ahaa ku laayeen deegaanka,
Goobjooge ku sugnaa deegaanka Leego oo lagu magacaabo Salaad Shiiqoow Nuur ayaa Daafeet.com u sheegay in dhacdadan timid ka dib kolkii ciidamo ka tirsan AMISOM ay ku baxeen goobo ku yaala duleedka degaanka Leego oo rasaas looga soo riday ka dib ay la kulmeen dadkan reer guuraaga ahaa oo meel duur ah hurda taasoo keentay in ay ka shakiyaan rasaasna ku furaan iyadoo rasaastiina ay dishay 7ruux halka dhaawacuna gaarayo ilaa sideed ruux.

Halkan Ka Dhagayso- leego