Ciidamada Amisom oo lagu wareejiyey gacan ku heynta Garoonka Diyaradaha ee magalada baydhaba

0
48

amisCiidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa lagu wareejiyay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, halkaasoo tan iyo bishii Febraayo ee sannadkii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada Itoobiya ee caawinaya kuwa dowladda Soomaaliya.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay intooda badan ku xaroodeen saldhigga weyn ee ay Baydhabo ku leeyihiin oo ah Warshadii Xaseey oo ku taalla illinka laga galo Baydhabo.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ka baxsan Muqdisho ee ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM, waxaana ciidamada ku sugan oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi la geeyay markii ugu horreysay bishii Apriil ee sannadkii hore.

Maamulka gobolka Bay, saraakiisha Itoobiya iyo kuwa AMISOM ayaan weli ka hadlin la wareegista ay ciidamada Midowga Afrika la wareegeen gacan ku haynta garoonka diyaaradaha Baydhabo, balse ilo wareedyo hoose ayaa sheegaya in tani ay ku timid cod ka yimid wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Daafeet.Com