Wasiirka arimaha dibada dalka Somaliya oo la kulantay wasiirka arimaha dibada dalka talyaniga

0
48

Fowsiya-iyo-Guilio-TerziDowladda Talyaaniga oo muddo dheer gumeysanaysay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka caawin doonto dowladda cusub ee Soomaaliya tababarka ciidamada iyo wax-soo-saarka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Guilio Terzi ayaa hadalkan ka sheegay xarunta Talyaaniga ee Roma kaddib markii uu kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo safar shaqo ku joogta dalka Talyaaniga.

Sidoo kale, wasiirradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf ayaa iyaduna sheegay inay ku faraxsan tahay in dib loosoo nooleeyo xiriirkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Booqashada ay wasiirraddu ku joogto dalka Talyaaniga ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay ku tagto dalkaas tan iyo markii loo magacaabay xilkan, waxayna horay u soo martay dalka Ingiriiska oo ay muddo dheer qoxooti ahaan ugu noolayd.

Si kastaba arintu ha ahaatee dalka Talyaniga ayaan kasoo bixin kaalintii kaga aadaneyd in uu wax ka qabto arimaha dalka Somaliya maadaama uu ka mid ahaa dowladihii gumeystey dalka Somaliya, taasoo keeni karta in uusan ka cayaarin door fiican isbedelada ka dhacaya dalka somaliya.

Daafeet.Com