Wasiirka Difaaca oo maanta safar ugu ambabaxay dalalka Kenya iyo Ugandha

0
30

faqiWasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalalka Kenya iyo Uganda oo uu wada hadallo la qaadan doono wasiirradooda difaaca.

Safarka Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa la xiriira sidii ay mas’uuliyiinta isaga kaashan lahaayeen xoojinta howlgallada milateriga ee ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan gudaha dalka ee lagu baacsanayo maleeshiyada al-Shabaab.

“Muhiimadda ugu weyn ee safarkeyga waxay tahay in la dardar geliyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga gobollada ay ku sugan yihiin kooxda al-Qaacidda ee al-Shabaab”, ayuu war qoraal ah ku yiri wasiirka.

Fiqi wuxuu intaas ku daray inaysan wasaaraddiisu u dulqaadan doonin in ajaaniib shisheeye ay ku sii sugnaadan gudaha dalka Soomaaliya,wuxuuna u jeediyay inay isaga baxaan guud ahaan dalka ka hor intaanay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM qaban.

Daafeet.Com