Maddaxweynaha oo ka hadley safarkii uu ku tegey dalka Suudan

0
20

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyay heshiisyo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan, kaddib booqasho laba maamood ah oo uu dalkaas ku tagay.

Xasan Sheekh iyo wafdigiis ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho gellinkii dambe ee shalay oo Khamiis ahayd, wuxuuna madaxweynuhu sheegay inay Suudaan ka caawinayso Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin tababarka ciidamada booliiska Soomaaliya iyo dhimasha hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay dalka imaan doonaan guddi farsamo oo ka socda dalka Sudan, kuwaasoo ay wada shaqeyn doonaan guddii Soomaali ah, isagoo xusay in wadahadalladaas kaddib la saxiixi doono heshiis laba geesood ah.

Daafeet.Com