Wasiirka gaashaandhiga oo sheegey in Ahlusunada Gedo ey ka mid yihiin Ciidamada Dowlada

0
26

faqiWasiirka Gaashaandhiga C/xakin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegey in Ciidamad Ahlusuna ey ka mid yihiin Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somaliya.

Faqi oo dhawaan booqasho ku tegey Magalada Baydhabo iyo Gobolka Gedo ayaa waxaa uu xaqiijiyey in ciidadama ahlusuna ey si buuxda uga mid yihiin ciidanka dowlada ee ku sugan goboladaas.

Waxaa kaloo uu intaasi ku darey in ciidamadaasi leeyihiin xuquuq la mid ah tan ay hada helayaan ciidamada qalabka sida eed owlada somaliya waxaana uu carabka ku dhuftey in si gaar ahloola socon doono xaaladooda.

Si kastaba arintu ha ahaatee wasiirka ayaa beryahan kormeer howleed ku maraya koonfurta dalka somaliya isagoo ilaa iyo hada booqdey gobolada Jubada hoose,Bay iyo Gedo taasoo uu diirada ku sarayo sidii loo adkeyn lahaa ciidamada qalabka sida.

Daafeet.Com