Xaalada Degmada Baardheere oo maanta si aad ah u kacsan

0
113

BaardheereDegmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa la sheegaya in ay maanta xiisad colaad ka taagan tahay kaddib markii ay isaga baxeen saaka horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Qaar ka mid ah dadka Baardheere ayaa sheegay in xaalada ay maanta kacsan tahay kadib markii Al-shabaab ay la baxday horjoogayaasheeda oo ay ku jiraan ajaanib, ayadoo aan la ogeyn halka ey u kicitimeen horjoogayaashaasi ka baxay Baardheere.

Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa wacad ku maray in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere, xili degmada Luuq la isugu geeyay ciidamo aad u badan oo la sheegay in ay dulaan ku yihiin degmooyinka ay gobolka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Daafeet.Com