Msf oo joojisey adeegyadii caafimaad ee ey ka heysey Magaalada Beledweyne

0
51

msf-logoMaamulka cisbitaalka Beladweyne ee ay gacanta ku hayso hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in MSF gabi ahaanba ay joojisay howlihii ay ka waday cisbitaalka Beladweyne oo ay ku tiirsanaayeen dadka deegaanada Gobolka Hiiraan.

Arintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyay maamulka cisbitaalka oo sheegay in aysan jirin meel kale uu cisbitalka uu ku tiirsan yahay,hadii MSF meesha ka baxdana suurtagal noqon doonto in gabi ahaanba ay joogsadaan adeegyadii caafimaad ee cisbitaalka bulshada u hayay.

MSF ayaa maanta gabi ahaanba ka baxeysa Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaana tani ay ka danbeysaa markii MSF labo shaqaalo ah looga dilay Magaalada Muqdisho islamarkaana 2-kale lagu heysto dhulka Soomaaliya kuwaasi oo laga soo qafaashay Dhadhaab.

Waxaana jira goobo kale oo MSF oo howlaheeda shaqo horay ugu joojisay sababo la xariira amaandari sida Isbitalka Istarliin ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaana taasi ay keentay dhibaato soo wajahday dadka deegaanka.

Daafeet.Com