War deg deg ah: Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel Mariyay Miisaaniyada Xukuumada ee 2013

0
47

breaking-news118Kulan ay maanta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeeseen magaalada Muqdisho ayaa waxay meel mariyeen miisaaniyada maaliyada ee 2013 oo ay dowlada ku shaqaynayso.

Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 177-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxaan ogolaaday 176-mudane, halka hal xildhibaana uu ka aamusay ma jirin cid ka soo horjeestay.

Mahad Cabdala Cawad oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka shir gudoominayay ayaa wuxuu sheegay in ay ansaxtahay miisaaniyada.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Maxamuud Sulaymaan Xasan oo kulanka ka hadlaya ayaa u mahadceliyay mudanayaasha baarlamaanka sida ay u meel mariyeen miisaaniyada maaliyada ee dowlada ku shaqaynayso sanadka Soo socda.

Daafeet.com