Akhriso Magacyada Soomaalidii ku Geeriyootay Shilkii Baabuur ee ka Dhacay Dalka Liibiya

0
119

4Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka liibiya ayaa soo bandhigay tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay shil baabuur oo ka dhacay dalka Liibiya kaas oo ay ku dhinteen tahriibayaal Soomaaliyeed.

Cabdiqani Maxamed Wacays oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Liibiya ayaa sheegay in mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhintay mashaqadii ka dhacday dalkaasi ay tahay 16 dhalinyaro ah kuwaas oo iskugu jiray Rag iyo Dumar intaba.

Safiirka ayaa Saxaafada u  sheegay magacyada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday shilkii ka dhacy dalka Liibiya wuxuuna sheegay in goobtaas ay ku dhinteen 10 wiil iyo 6 gabdhood.

Magacyada meydadka  Wiilasha

1) Cali Cabdulle Xirsi

2) Xasan Cismaan Jeylaani

3) Max’ed deeq Barqad Cali

4) Cabdi Raxiin

5) Askar

6) Muuse

7) Sugaal

8) Saciid

9) Axmed

10) Axmed Qadar

Magacyada meydadka Gabdhaha

11) Sacdiyo Max’ud Xasan

12) Saamiyo

13) Yaasmiin

14) Dahabo

15) Xaawo

16) Aasiyo Cismaan Maxamed.

Daafeet.com