Ciidamada dowlada ee ku sugan Degmada Jowhar oo howgalo kusoo qabqabtey dhalinyaro ka tirsan Alshabab

0
63

CiidanWararka aynu ka helney magaalada Jowhar ee gobolka ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Shabaab-kii ugu badnaa xabsiga loo taxaabay kadib howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida Soomaaliya

Howlgalkan ayaa la sheegayaa in lagu soo qabtay dad gaaraya 40 ruux oo lagu sheegay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab amaan xumo ka waday gudaha magaalada iyo duleedkeeda.

Taliyaha Ciidamadda dowladda ee degmada Jowhar Maxamed Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in dadkan lasoo qabtay ay waden falal amaan xumo ah.

Xabsiyada magaalada Jowhar ayaa waxaa ku xiran maxaabiis aad u badan iyadoona dadka ku xiran oo u badan dhalinyaro lagu eedeeyay Shabaab-nimo.

Daafeet.Com