Maamulka Ahlusuna ee Degmada Guuriceel oo gacanta kusoo dhigey rag looga shakiyey iney ka tirsan yihiin Alshabab

0
26

ahlusana2Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay rag looga shakisan yahay in ay Shabaab yihiin.

Taliyaha Amaanka Degmada Guriceen Muuse Macalin Maxamed ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay labo ruux oo lagu sheegay in ay katirsan yihiin Shabaab.

Ragaan lasoo qabtay ayuu sheegay in ay kuc cusub yihiin magaalada sidoo kalana laga shakiyay oo mudo badan baaritaano lagu hayay.

Ahlu Suna Waljamaaca ayaa dagaallo kula jirta Kooxda Al-Shabaab ee diidan dowlada Soomaaliya iyo Amisom , iyadoona rag badan oo Shabaab lala xariiranayo ay ku xiran yihiin Galgaduud.

Daafeet.Com