Marxuun Warsame Shire Cawaale oo maanta lagu aasey qabuuraha iskoola boliisiyo

0
47

Waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Iskoolo buluusiyo degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho meydka marxuum Abwaan Warsame Shire Cawaale oo xalay kooxo bastoolado ku hubeysan ku toogteen hoy uu degenaa hortiisa oo ku yaala degmada Waaberi.

Aaska meydka Marxuum Abwaan Warsame Shire Cawaale ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka asluubta, madaxda iyo weriyeyaasha idaacada Kulmiye oo marxuumku uu ka tirsanaa mudooyinkan, fanaaniin iyo dadweyne fara badan.

Waxaa aaska ka dib goobta ka hadlay G/sare Maxamed Maxamuud Sahal oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliyed kaasoo sheegay in abwaan Warsame uu mar ka mid ahaa ciidanka asluubta uuna ahaa shaqsi wadani ah oo ku caanbaxay Soomaalinimo.

Waxaa kaloo isna goobta ka hadley Abwaan Cismaan C/llaahi Guure agaasimaha idaacada kulmiye asagoo sheegey in Abwaan Warsame Shire uu sanadihii ugu dambeeyey ka mid ahaa koox majaajiliisteyaal ah oo ka howlgalayey idaacadiisa, ayna si weyn uga naxeen geeridiisa markii ay maqleen.

Qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyed oo iyana aaskaas ka qeyb galay ayaa dareen murugo leh ka muujiyey dilka loo geystay abwaan Warsaame Shire Cawaale oo ay sheegeen inuu ahaa nin Qaali ah oo ka baxay ummadda Soomaliyeed.

Daafeet.Com