Shabab dhulka ma laga xoreeyey mise waa laga xoreystey

0
104

Anagoo weli daba socona helida jawaab waafi ah misna ay ku qanci karaan dadka ay khusayso su’aashan ayaa waxaan mar labaad leenahay “Shabaab dhulka malaga xoreeyay mise waa laga xoraystay?’Waa su’aal inta badan shacabka kunool gobolada iyo goobaha laga xoreeyay Shabaab ay isweydiinayeen wixii ka danbeeyay ka xoraynta deegaanadooda si gaar ah waxaan maanta diirada u saari doonaa gobolka Shabeelaha hoose,

Gobolku waa mid ahaan gobolada dalka Soomaaliya u khayraadka badan waaba hadaanu ahayn kan koowaad taasina waxay keentay in guud ahaan awoodihii maamul ee gobolku ay indho gaar ah ku eegaan laga soo bilaabo Isticmaarkii Talyaaniga ee koowaad iyo labaad iyo kii Ingiriis oo iyagu baday ummaddii gobolka gumaysi aan meel kale oo ka mid ah ciida Soomaaliyeed aanu soo marin waxaana si gaar ah loogu xasuustaa Kolonyadii Talyaani iyo weliba Ten-kii Ingiriis oo ka dhiidhintoodii dhiig badan ay u daadiyeen Shacabka gobolka waxaa iyana taariikh reeb maanta ah dhacdadii Lafoole iyo KELI ASAYLE iyo kuwo kale oo aad u noqon kartaan diiwaanka taariikheed ee boqortooyooyinkii gobolka ka hana qaaday gaar ahaan tii Geledi iyo Biyomaal.

Dagaalkii xoraya doonka ee lala galay gumaystayaashii reer Yurub dadka gobolka waxa ay ahaayeen Nuurka u ifiya Soomaalida inteeda kale mugdiga Isticmaarka iyadoo labadii xisbi ee ugu waawaynaa asxaabtii xoriya doonka dalka Soomaaliya(SYL iyo HDSM) ay ahaayeen dhalintii gobolka waana taariikh aad u cad oo aad kaga bogan karto buugaagta taariikhda Soomaalida si gaar ahna hogaamiyayaashii labada xisbi ee aan kor kusoo sheegnay ALLAH ha u wada naxariistee Sheekh Cabdulqaadir Saqaawa-diin iyo Sheekh Cabdulaahi Begedi.

Hadaba dhalashadii dowlada Soomaaliyeed 1960 kii ayaa waxaa la bilowday duulaan gobolka ay kusoo qaadeen beelo Soomaaliyeed iyagoo usoo maraya dhanka siyaasada iyo awooda maamulka dowlada taasina waxay keentay in dowlad kasta ee ka dhalata Soomaaliya hogaankeeda beeshiisu ay u dhaqaaqdo sidii ay baroosimaha u dhigan lahayd gobolkan oo ay weliba u bedeli lahayd gumaysigii reer Yurub.

Burburkii dowladii Milatarigana waxay keentay in Qori caaradii lagu kala qabsado gobolka iyadoo beelihii maamulka Dowladnimada ku haystay gobolka ay Mooryaan beeleed qori uga saaratay taasi oo ugu danbayna horseeday dagaaladii sokeeye iyo burburkii laga dhaxlay iyadoo gobolka hadba kooxdii awood lihi ay xoog kaga maquunisato talada gobolka tii ka horaysay tusaalena waxaa inoogu filan duulamadii marba heer ahaa ee ay soo kala qaadeen beelaha Hawiye iyagoo midba magac iyo shaar beeneed huwan sida USC,USC/Sacad,USC/Qabqable dagaal,USC/Ceer, Maxmadihii Hawiye,Shabaab iyo Dowladihii KMG ahaa.

Hadaba akhristaha qiimaha iyo qaayaha lahow waxaan oo taariikh ah maanta gobolka waa sidee xaalkiisa maamul iyo midkiisa bulsho……

Bulshadu waa bulshadii degenayd gobolka ee qarniyaal tagay usoo dulqaatay intan aan soo sheegnay ee dibin daabyo Isticmaar ah ilaa iyo maantana ku jira,hadaan u nimaadno dhanka maamulkana waa kan ee Adiguba xukun Maamulka DFKMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dowladii Fedraalka KMG ahayd ee Soomaaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud oo kasoo jeeda jufada Ceer ee beesha Habargidir u soo magacaabeen gobolka Shabeelaha hoose.

1- Gudoomiyaha Gobalka C/qaadir Sheikh Max’d Nuur (Digil/Garre)

2- C/lahi Muuse Abuukar (Biimaal)

3- G/kuxigeenka Arrimaha Nabadgelyada Axmad Cumar Max’ed Madane (H/gidir=Ceyr)

4- G/kuxigeenka Arrimaha Dhaqaalaha C/fataax Xaaji C/lle Yuusuf (Shanta-caleemood/Digil)

5- G/kuxigeenka Arrimaha Bulshada Cumar Max’ud Cilmi Carabey (Murusade/Haawiye)

6- Xoghayaha Gobalka C/laahi Cabdi Cumar (Wacdaan/ Haawiye )

7- Gudoomiyaha Samafalka Gobalka Yuusuf Max’ed Cabdi (Ceyr, H/gidir, Haawiye)

8- Agaasimaha Dhulbixinta Gobalka C/laahi Cabdi Faarax (Ceyr, H/gidir, Haawiye), ninkaan waa xogheyntii gaarka aheyd ee Wasiirkii Dhacay C/samad Biinjoole

9- isu duwaha Wasaarada Maaliyada Gobalka C/naasir Diini Raage (Ceyr, H/gidir, Haawiye)

10- Xisaabiyaha Gobalka Max’ed Cali Muumin (Saleemaan, H/gidir, Haawiyah)

11- Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Ikraam Axmad Gacal Murusade, Haawiyah

12- Gudomiye xigenka Samafalka Gobalka Cusman Maxamud, Abgaal, Haawiyah

Hadaba kol hadii ay arimuhu sidaa yihiin oo maamulka DFKMG ah ee Soomaaliya u soo magacawday gobolka gobolka loogu soo magacawday shaqsiyaad beeleed aan degan iyo deegaan tuna ku lahayn gobolka mid dhow iyo mid dheer hadaba dadkii deegaanka lahaa ee u dhashay ma heleen xuquuqdii maamul ee ay ku lahaayeen gudaha dhulkooda?

Jawaabtuna waa mid iska cad oo og cid kasta oo ka warhayso waxa ka socda gudaha dalka Soomaaliya jawaabtuna waana MAYA sidoo kalena magaca dowladnimo maanta ma waanu ahayn wado lagu gumaysto shacabka degan gobolka Shabeelaha hoose.

Abdiaziz Sh Salah

Wadajirradio@Gmail.com

Daafeet.Com