Ciidamada dowlada iyo kuwa ahlusuna oo maanta howlgalo ka sameeyey magalada Beledxaawo

0
42

Warar eynu ka helney Magaalada Beladxaawo ee Gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna ay ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah oo dad lagu soo qab qabtay.

Howgalka oo ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinaye ayaa ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyo kuwa Ahlusuna waxa ay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beladxaawo iyadoo ay soo qab qabteen dhalinyaro kala duwan.

Howlgaladan laga sameeyey magalada beledxaawo ayaa waxaa lagu soo qabqabtey dhalinyaro badan kuwaasi oo lagu eedeynayo in ey halis ku yihiin amaanka magalada beledxaawo.

Dhalinyarada lasoo qab qabtay ayaa waxaa la sheegay in lagu xirey Saldhiga Magaalada halkaasi oo baaritaano loogu sameynayo.

Daafeet.Com