Ciidamada dowlada oo howlagalo ka fuliyey deegaano hoostaga gobolka shabelaha hoose

0
99

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Hanti wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Shabaab.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay afar xubnood oo uu ku jiro horjooge magaciisa lagu sheegay Zubeyr oo ahaa madaxa amniga ee kooxda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka Danab ay sidoo kale howlgalka ku burburiyeen fariisimahii kooxdu ku laheyd deegaanka Hanti wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegeen in ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here