Duqeymo lala beegsanayo alshabab oo ka dhacay xadka gobolada galgaduud iyo shabelaha dhexe

0
75

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo garab ka helaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaano ku yaala xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay dhul howd ah oo ku yaala deegaanada kala ah Jir jir farey iyo Burka Fiiqey oo dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale lagu gubay gaadiid nooca dagaalka ah oo ay wateen kooxda.

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya diyaaradaha dagaalka saaxiibada Caalamka ayaa marar badan duqeymo dhinaca cirka ka fuliyay deegaano iyo goobo ay joogaan kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here