Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo mar kale loo magacaabay taliyaha hay’ada sirdoonka qaranka

0
55

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda todobaadlaha ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda amniga gudaha ee magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA inuu noqdo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Agaasimaha cusub ee loo magacaabay hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa horay mudo laba jeer ah usoo qabtay xilka Agaasimaha NISA iyo xilal kale oo ay ka mid ahayeen Wasiir iyo Danjire, isagoona haatan ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Shacabka.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya sidoo kale uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad shaqadii uu Qaranka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey .

Agaasimahii hore ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa xilkaan soo haayay tan iyo 26-kii bishii May ee sanadkii 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona xiliga xilkaan loo magacaabayay ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here