Ciidamada dowlada oo howlgalo ka wada deegaano ka tirsan gobolka galgaduud

0
126

Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya daawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa weli howlgallo ka wada deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Mudug.

Ciidamada huwanta ayaa kusii siqaya deegaanada ay xubnaha Al-Shabaab ka joogaan labadaas gobol oo hoostaga maamul goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dhinaca Galgaduud ay ciidamada kaabiga ku hayaan deegaanada Budbud, Cowswayne iyo degmada Galcad oo ay horay uga soo baxeen ciidamada huwanta.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ay ka wadaan gobolka, si looga xoreeyo halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgallo kale ka wada dhanka Mudug, waxayna ku dhow yihiin deegaano dhaca koonfurta gobolkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin xoogaga Al-Shabaab.