La taliyaha amniga qaranka oo sheegey in bisha febrayo lasoo afjari doono dagaalka lagula jiro alshabab

0
120

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay, in illaa iyo bisha febraayo ee sanadkan uu qaadan doono howlgalka kooxda Shabaab looga xoraynayo Galmudug iyo Hirshabeelle.

La taliyaha amniga ayaa sheegay, inuu howlgalka hadda dib u bilowday, ka dib markii waddooyinkii ay biyuhu xireen dib u furmeen.

Wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya iyadoo cashar ka qaadanaysa weeraradii khasaaraha badan dhaliyay ee dhacay, inay si feejignaan ah ay dib ugula wareegayso degaannadii ay kasoo baxeen ciidamada dowladda.

Wuxuu sheegay, Soomaaliya inay guul weyn u tahay, iyadoo aan kaashanayn ciidamo shisheeye inay ciidamadeeda qalabka sida iyagu dagaal kala hortageen kooxda Alshabaab.

La taliyuhu wuxuu sheegay, howlgallada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inay ku yimaadeen dib u dhac sababa la xiriira roobabka kala xiray waddooyinkii la mari lahaa.