Dowlada oo fursad cusub siisey dagaalyahanada alshabab

0
173

Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah Tubsan ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay fursad cusub oo dagaalamaaysha Al-shabaab ay kaga faa’ideysan karaan xeerka cafiska, iyagoo isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay xarunta qaran ee Tubsan ayaa lagu sheegay in dhamaan xubnaha kooxda Al-shabaab ee doonaya iney kasoo baxaan Al-shabaab, islamarkaana isku soo dhiibaan dowladda iney lasoo xiriiri karaan Nambaro gaar ah oo ay xarunta diyaarisay in lagu caawiyo.

Bayaanka xarunta Tubsan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xubnahii isku soo dhiiba dowladda ay heli doonaan fursado ay kaga mid noqon karaan buslahada caadiga ah, waxaana sidoo kale bayaanka loogu baaqay Waalidiinta Caruurtooda ku jiraan Al-shabaab iney la soo xariiraan xarunta, islamarkaana la dhowri xogta xubnaha isa soo dhiiba, waa sida lagu yiri bayaanka Tubsan kasoo baxay.