Dad badan oo ka careysan xariga jeneraal sheegoow oo isugu soo baxay magalada muqdisho

0
216

Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka billowday dibadbax ay dhigayaan dadweyne ka careysan xarigga Jeneraal Sheegow oo ay shalay soo xireen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dibadbaxa ayaa waxaa dhigaya dad badan oo ka careysan xariga gardarada ah ee laga beegsadey Jeneraalka, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Dadweynaahan ayaa ka yimid dhanka degmada Wadajir, iyaga oo qaaday laamiga dheer ee tega Zoobe, kadibna waxa ay u gudbeen dhanka waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhanka kale dadaallo wada ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaas oo isku dayaya inay xakameeyaan dibadbaxayaasha.

Xariggiisa ayaa carro xoogan dhaliyay, kadib markii ay hadal heyn xoogan ka dhalatay qaabka loo soo xiray markii lasoo qabanayay sarkaalkaasi.