Madaxweyne ku xigeenka maamulka jubaland oo kulamo la qaadanaya bulshada ku nool degmada luuq

0
114

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Gedo ayaa halkaasi ka wada kulamo muhiim ah.

Mudan Maxamuud Siyaad ayaa waxa uu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada luuq ee gobolka Gedo.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiinta heerarka kala duwan ee maamulka iyo bulshada deegaanka, waxaana looga hadlayay wada-shaqaynta bulshada iyo dowladda ee dhinacyada nabad-galyada, horumarka iyo dib-u-heshiisinta.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Talaadadii gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.