Dhegeyso: Gudoomiyaha gobolka shabelaha dhexe oo ka hadley dagaal beeleedyada ka socda gobolka

0
1094

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaannada hoostaga degmada Cadalle inay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan, isla markaana wax walba miiska wada-hadalka ku dhameeyaan.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in xilligaan oo uu socdo dagaal lagula jiro Al-Shabaab iyo xorreynta degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe in gadaashiida ay beelo walaalo ah ku dagaalamaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamay inay dagaalka dhexdooda ah usoo wareejiyaan inay ka qeyb qaataan xorreynat degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe ee looga saarao Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in mar walba nabadda in lagu dadaalo ay tahay mid wanaagsan, wuxuuna Bulshada gobolka Shabeellaha Dhexe uu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan in laga hortaggo colaada soo laab laabatay.