Dhegeyso: Taliyihii hore ee ciidama danab oo ka hadley la wareegida alshabab ay la wareegtey deegaanka waxbo

0
980

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xoogaga Al-Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Wabxo oo hoostaga degmada Baxdo, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada Xoogga dalka.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gaaf wareegayaan deegaanka, islamarkaana ay difaacyo ka sameysteen halkaasi.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xalay ka soo baxeen deegaanka, saaka wabarigiina ay soo galeen xoogaga Al-Shabaab.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u gurashada ay sameeyeen ciidamada dowladda, balse taliyihii hore ee ciidanka Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysay ciidanka xoreeyey Wabxo ayaa sheegay in amarka looga soo baxay deegaanka uu bixiyey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.