Xildhibaanada baarlamaanka oo maanta lagu wado in lagu dhaariyo xerada afisiyooni

0
84

Waxaa Maanta oo Khamiis lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu dhaarinaayo Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee dhawaan lagu doortay deegaanada maamul goboleedyada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Xalay ayay aheyd markii la shaaciyay in dhamaan Xildhibaanadda labada Aqal ay soo xaadiraan si ay uga qeyb qaataan munaasabada dhaarinta iyo waliba fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee dalka.

In ka badan 200 oo Xildhibaan oo qaadatay shahaadada Xildhibaanimo ayaa la filaya in saacadaha soo socda lagu dhaariyo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, iyadoona la dareemayo diyaar garowgii ugu dambeyay ee ku aadan munaasabadda lagu dhaarinaayo mudanayaasha Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Amaanka guud ee Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay waxaana ciidamada Booliiska Soomaaliya ay xireen dhamaan wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Teendhada Afisyooni.